Tilbake til alle arrangementer

Ka bedbaadista xanuunka sonkorowga iyo la noolaanshihiisa

Kulan Wacyigelin & Wargelin Caafimaad oo ku Saabsan Cudurka Sonkorowga (Diabetes)

Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee Norway waxa uu qabanayaa kulan caafimaad oo gaar ahaan loogu talagalay:

  • Dadka qaba cudurka sonkorowga (diabetes)

  • Dadka halista ugu jira cudurka sonkorowga (pre-diabetes)

  • Dadka waayeelka ah

Ujeeddada kulanka waa:

  • In bulshada lagu baro sida looga hortagi karo cudurka sonkorowga.

  • In la siiyo talooyin iyo hab nololeed caafimaad leh oo ku habboon dadka cudurka qabaa.

📅 Taariikh: Sabti, 20-ka Sebteembar 2025
Waqtiga: 15:00 duhurnimo
📍 Goobta: Røde Kors Konferansesenter
📌 Cinwaanka: Hausmanns gate 7, 0186 Oslo

Waxa aad ka heli doonto kulanka

  • Warbixin caafimaad oo ay soo jeedin doonaan dhakhaatiir Soomaaliyeed.

  • Su’aalo iyo Jawaabo (Q&A): Fursad aad si toos ah ula wadaagi karto khubarada caafimaadka.

  • Cunto caafimaad leh oo si gaar ah loo diyaariyey.

  • Talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan maaraynta iyo ka hortagga cudurka sonkorowga.

Fadlan iska diiwaangeli si aan u ogaano tirada ka soo qaybgalayaasha, maadaama boosaska ay xaddidan yihiin.

🔗 Halkan ka isdiiwaangeli: https://www.nslegeforening.org/pmelding

Forrige
Forrige
16. august

The European Somali Medical Congress 2025!